Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wasiirka shaqaalaha oo rajo ka muujiyay in laga heshiin doono shaqo joojinta...

DHAGEYSO:Wasiirka shaqaalaha oo rajo ka muujiyay in laga heshiin doono shaqo joojinta dhakhaatiirta

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Simon Chelugui ayaa sheegay in heer wanaagsan ay marayaan wada-hadallada ku aaddan xallinta tabashooyinka dhakhaatiirta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weli kalkaaliyaasha iyo dhakhaatiirta isbitaallada kala duwan ka bixiya daawooyinka ay shaqo joojin ku guda jiraan.
Waxay saraakiishan dalbanayaan in la siiyo agabka la iskaga difaaco cudurka COVID-19 ee PPEs oo tayo leh, in la siiyo lacagaha gunnooyinka ee halista dhanka shaqada , in la dallacsiiyo qaar ka mid ah xubnaha ururrada KNUN iyo KUCO iyo in si buuxda loo dhaqangeliyo heshiis ay horay dowladda ula saxiixdeen oo ku saabsanaa mushaar kordhin.
Mr. Chelugui ayaa hoosta ka xarriiqay inuu rajeynayo in dhawaan heshiis la gaaro si howlwadeenada caafimaadka ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka shaqeynayeen

Dhanka kale senatarka ismaamulka Bungoma ahna madaxa xisbiga Ford-Kenya Moses Wetangua ayaa dowladda iyo ururrrada dhakhaatiirta ugu baaqay inay xal degdeg ah ka gaaraan muran u dhexeya si culeyska looga dulqaado kenyaanka u baahan adeegyada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments