DHAGEYSO:Afhayeenka dowladda dhexe oo cambaareeyay dil ka dhacay Tharaka Nithi

0
158

Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa si kulul u cambaareeyay dil ismaamulka Tharaka Nithi loogu gaystay haweeney ka mid ahayd shakhsiyaadka baraha intarneetka ku soo daabaco warbixinnada kala duwan.
Peris Mugera ayaa si gaar ah wax uga qori jirtay arrimaha siyaasadda.
Mwaura ayaa carrabka ku adkeeyay in falalka rabshadeysan aan lagu aamusiin karin afkaarta lagu soo bandhigo baraha bulshada.
Waxaa uu ka qoomameeyay dilalka noocani ah isagoo xusay in Kenya ay ku tallaabsatay horumar dhanka ilaalinta xurriyatul qowlka ah.
Peris Mugera ayaa la waayay 29-kii bishii hore waxaana 8-dii bishan saddexaad meydkeeda laga helay ismaamulka Kirinyaga.
Warbixinta booliiska ayaa muujinaysa in maydka haweeneydan lagu arkay dhaawacyo uga yaalla dhanka wajiga.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Tharaka Nithi Wesley Koech ayaa dhacdadan ka hadlay wuxuuna ehelka ay ka baxday Peris iyo shacabka dowlad deegaankaasi ku boorriyay in ay dul qaataan inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada oo gacanta looga soo dhigaya cidii dilkeeda ka dambeysay.

Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii la dilay Daniel Muthiani, oo loo yaqaanay Snipper, oo ka mid ahaa shakhsiyaadka wax ku qoro baraha intarneetka ee ismaamulka Meru.
Qalliin baaritaan ah oo lagu sameeyay meydkiisa ayaa lagu ogaaday inuu u geeriyooday ceejin lagula kacay.