Madaxweynaha Maraykanka oo khudbadiisa sanadlaha ah uga hadlay arrimo dhowr ah
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa jeediyay khudbadiisi saddexaad ee sanadla ah.
Biden oo la hadlayay kal-fadhi wadajir ah oo ka qabsoomay xarunta Kongareeska ayaa dhaliil u jeediyay madaxweynihii ka horreeyay Donald Trump.
Waxaa uu dhaliilay hadal uu yiri Trump oo ahaa in Ruushka uu sameeyo sida uu doonayo.
Waxaa uu sheegay in xurriyadda iyo dimuqraadiyadda lagu hayo weerar maxalli iyo mid dibadeed labaduba.
Waxyaabaha uu Biden shaaciyay waxaa ka mid ah in maamulkiisa uu xarun ka furanaya xeebta Qaza.
Xaruntan ayaa ka shaqeyn doonto dardargelinta gargaarka baniaaddanimo ee halkaasi la geynaya sida cunnada , biyaha , daawooyinka iyo hooyga ku meel gaarka ah.
Hasa ahaate ma uunan caddeyn muddada ay qaadan doonto hirgelinta xaruntan.
Tani ayaa imaanaysa toddobaad un ka dib markii Maraykanka uu cunno dhan 36,000 hawada sare uga soo daadiyay boqolaal kun oo qof oo ku gaajeysan Waqooyiga Qaza.
Hasa ahaate maamulka Biden ayaa meesha ka saaray inuu joojinaya hubka uu siinaya Israa’iil wuxuuna madaxweynaha Maraykanka carrabka ku adkeeyay in taageerada ay u fidinayaan Israa’iil ay tahay lama taabtaan aan waxba laga beddeli karin.
Hasa ahaate waxaa uu Israa’iil ugu baaqay in ay fursad siiso in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo Marinka Qaza.
Sidoo kale waxaa uu xubnaha Kongareeska Maraykanka ka codsaday inuu xayiraadda ka qaado gargaarkii loo fidinayay Ukraine.
In ka badan oo ka mid ah xeer dejiyaasha xisbiga jamhuuriga ayaa ka soo horjeestay in Maraykanka uu dhaqaale badan ku bixinaya garab istaagga xukuumadda Kyiv.
Hasa ahaate waxaa uu madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin u sheegay in xukuumadda Washington aynan marnaba joojin doonin taageeridda Ukraine si ay uga soo kabato duullaanka militari ee Ruushka.
Sidoo kale madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ballan qaaday inuu difaacaya helidda adeegyada ilmaha la iska soo rido guud ahaan wadankaasi.
Waxaa uu dhanka kale difaacay waxqabadka maamulkiisa ee dhinaca dhaqaalaha isagoo xusay inuu hoggaanka qabtay xilli dhaqaalaha Maraykanka uu saameyn ba’an ku yeeshay cudurkii COVID-19 balse uu dhaqangeliyay xeerar dib loogu soo nooleeyay.
Joe Biden ayaa tilmaamay in saddex sano gudahooda la abuuray 15 milyan oo ah fursado shaqo.
Sidoo kale waxaa uu shirkadaha Maraykanka ka dalbaday in ay bixiyaan canshuurta laga doonayo .