Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa shaaciyay in toddobo cishe ka dib ay xubnaha ka tirsan guda geli doonaan shaqo joojin qaran.
Tani ayaa timid ka dib markii aan lagu guulaysan wada xaajoodyo mas’uuliyiinta ururkan kala dhexeeyay dowladda.
Wada hadallada ayaa ku saabsanaa dhallacsiinta dhakhaatiirta iyo in la shaqaaleysiiyo shakhsiyaadka soo bartay culuunta caafimaadka.
Dhanka kale ururka saraakiisha caafimaadka ee isbitaallada ka bixiya daawooyinka ee (KUCO), ururka qaran ee kalkaaliyeyaasha ee (KNUN), iyo ururka qaran ee dhakhaatiirta qaabilsan dhanka nafaqada iyo qaadashada cuntooyinka iskudheellitiran ayaa xubnahooda kula taliyay in ay u diyaar garoobaan shaqooyin 14 cishe ka dib.