Maxkamadda oo laashay dacwad ka dhan ahayd hindisaha guriyeynta

0
218

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad looga soo horjeeday dhaqangelinta hindise sharciyeedka guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa ee la soo saaray sanadkii hore.
Waxaa qorshahan ka soo horjeestay Lawrence Opiuo oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo ku nool Kisumu.
Waxaa uu ku doodayay in arrinkan aan laga qayb gelin dadweynaha.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa sheegtay in dadweynaha fursad la siiyay oo ay aragtidooda gudbiyeen .
Wada tashiyada barnaamijkan la xiriira ee lala yeeshay daneeyayaal iyo khuburro kala duwan ayaa la soo gabagabeeyay 30-kii bishii koowaad ee sanadkan.
Waxaa go’aankan soo saartay garsoore Mwanaisha Shariff .