16 qof oo ku dhaawacmay shil ka dhacay waddada Kisumu-Busia

0
173

Waxay dhaawacyo soo gaareen 16 qof oo rakaab ah ka dib markii mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda uu shil ku galay waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Busia.
Gaariga ayaa xalay fiidkii waddada ka baxay ka hor inta uunan ku dhicin god wayn oo ku yaalla aagga Kisian.
Rakaabka ay dhaawacyadu soo gaareen ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital (JOOTRH) halkaasi oo lagu daaweynaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka shilka galay uu ka yimid dhanka Busia oo uu ku wajahnaa Kisumu.
Hal maalin ka hor ayay ahayd markii labo qof ay ku dhinteen iyadoo shan kalena ay ku dhaawacmeen shil u dhexeeyay bas iyo booyadda shidaalka kaasoo laga soo tabiyay ismaamulka Busia.