Waxaa xad dhaaf noqotay tirada maxaabiista lagu hayo xabsiga Shimo La Tewa ee ismaamulka Mombasa.
Waxaa sidatan sheegay madaxa xabsigaasi Qaasim Kimoyu.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay in khilaafyada ka dhexeeya ay ku xalliyaan qaabab maxkamadda ka baxsan si aan halkaasi loo gayn maxaabiis dheeraad ah.
Sarkaalkan ayaa xusay in tirada maxaabiista ay tahay ku dhawaad saddex jibbaar intii xaruntaasi loogu talagalay.
Waxaa baaqan taageeray Francis Auma oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ee gobolka Xeebta.