Goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Isiolo oo buuxsantay

0
308

Guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Isiolo ahna wasiirka caafimaadka James Lowasa ayaa sheegay in ay buuxsantay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay in ay joojiyeen in meydad dheeraad ah halkaasi la geeyo maadaama aynan hayn meel ay ku kaydin karaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay ku howlan yihiin in ay maxkamadda ka helaan oggolaansho ay ku aasi karaan 11 meydad ah oo aynan ehelladooda la wareegin.