Gachagua oo ku baaqay in kiisaska ganacsiga caleenta shaaha laga saaro maxkamadaha

0
130

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ku baaqay in maxkamadaha laga saaro kiisaska la xiriira ka ganacsiga caleenta shaaha.
Waxaa uu xusay in dacwadahan ay carqaladeynayaan wax soo saarka waaxdan iyo in beeralayda ay helaan macaash sarreeya.
Rigathi Gachagua ayaa arrin khalad ah ku sheegay in maxkamadaha loo gudbiyo kiisas sida uu hadalka u dhigay caqabad ku ah dadaallada lagu xaqiijinaya sare u qaadidda dakhliga beeralayda soo saara caleenta shaaha.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu guddoominayay munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka waaxyaha soo saaro caleenta shaaha ee sanadkii 2023-kii.
Waxaa warbixintan shaaca ka qaaday guddiga maareeyaha ka ganacsiga caleenta shaaha ee dalka .