Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in maamulka madaxweyne William Ruto uu shanti bilood ee ugu dambeeyay amaah qaatay ilaa 11 mar.
Amaahdan ayaa ah lacag dhan 223.54 bilyan oo shilin.
Amaahdan ayaa la kala saxiixday intii u dhexeysay 1-dii bishii Sagaalaad ee sanadkii hore iyo 31-dii bishii koowaad ee sanadkan.