Howlaha booliiska dalka oo la casriyeynaya

0
176

Waaxyaha ka tirsan golaha qaran ee maamulka cadaaladeed ee (NCAJ) ayaa wacad ku maray in ay adeegga qaran ee booliiska ee NPS garab ku siin doonaan casriyeynta howlihiisa.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday guddoomiyaha golahan ahna madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.
Waxay sheegtay in booliiska dalka marka loo barbardhigo waaxyaha kale ,uu ku dambeeyo dhanka adeegsiga tiknolojiyadeed si loo wanaajiyo bixinta adeegyada shacabka.
Dhinacyada la doonayo in la casriyeeyo waxaa ka mid ah diiwaanka dhacdooyinka ee loo yaqaano OB,diiwaanka damaanadda lacageed , qoraallada dacwadaha iyo dhaqangelinta ganaaxyada degdegga ah ee waaxda taraafikada.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa dhankiisa qiray caqabadaha ay dadweynaha kala kulmaan helidda adeegyada booliiska wuxuuna codsaday in garab lagu siiyo xal u helidooda.