Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay horumar wayn gaari karto haddii ay si dhow u wada shaqeeyaan labada heer ee dowladda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu dowladaha ismaamullada ku taageero fulinta mashaariicda horumarineed.
Muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo ismaamullada ayuu ku sheegay xoojinta nidaamka la daadajiyey , maamul wanaagga , kheyraadka qaran oo la wadaago, wanaajinta adeegyada loo fidiyo bulshada , dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyo in deegaannada hoose ee dalka la horumariyo.
William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay dhaqan gelinaysa istaraatiijiyadda kobcinta dhaqaalaha looga soo billaabaya meel hoose si loo dardargeliyo wax soo saarka waaxyaha kala duwan ee dowlad deegaannada.
Madaxweynaha ayaa arrinkan ka sheegay shirka labaad ee maalgashiga caalamiga ah oo lagu qabtay ismaamulka Homa Bay.




