Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xulka Wajir All Stars oo Axaddii ku guulaystay tartamadii gobolka Waqooyi Bari ee Chapa Dimba ee ay maalgelinaysay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.
Waxaa uu sheegay inuu guddoonsiiyay abaal marin lacageed oo gaaraysa 250,000 oo shilin, agabka cayaartooyda iyo safarro xubnaha xulkan lagu gaynaya Kisumu iyo Kilifi.
Sidoo kale dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer ayaa 100 milyan oo shilin u qoondeynaysa inay ku wanaajiso tayada garoomada dowlad deegaankaasi.
Sidoo kale waxaa uu farriin u diray cayaartooyda iyo tababarayaasha isagoo sheegay in ujeeddada laga leeyahay tartamada kubadda cagta ay tahay xoojinta isdhexgalka iyo wadajirka dhallinyarada si looga mashquuliyo ku lug lahaanshaha dhibaatooyinka ah.




