Madaxa waaxda maaliyada ee Kwale oo la xiray

0
246

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay afar sarkaal oo uu ka mid yahay madaxa waaxda maaliyadda ee ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta, Vincent Mbito.
Saddexda qof ee kale ayay walaalo yihiin mas’uulkan waxaana dhammaantood loo haystaa ku lug lahaanshaha fal musuqmaasuq.
EACC ayaa sheegtay in shakhsiyaadkan oo ka howlgalo waaxyo kala duwan oo ka tirsan dowladda hoose ee ismaamulka Kwale ay sidoo kale yihiin agaasimeyaasha iyo milkiilayaasha labo shirkadood oo kala ah Chilongola Holdings iyo Rome Investments (k) Limited.
Waxay ku eedeysan yihiin in ay shirkadahan adeegsanayeen si ay u sameeyaan falal khiyaano ku saleysan oo kala dhexeeyay dowladda hoose ee Kwale.
Ka dib markii la qabtay waxaa la geeyay saldhigga booliiska ee Bartamaha Mombasa iyagoo loo sii wareejiyay maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ee Mombasa.
Waxay wajahayaan ilaa 10 dacwadood sida qandaraasyo la siiyay shirkadahooda oo ay ku baxday in ka badan 48 milyan oo shilin.
EACC ayaa laga soo xigtay in qandaraasyada lagu bixiyay qaab sharci darro ah iyadoo la adeegsanayay dokumeentiyo faalis ah.