Kenya iyo Uganda oo xallinaya caqabadaha dhanka shidaalka

0
197

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Uganda ay isku afgarteen in xal loo helo waxyaabaha ay kala tabanayaan ee dhanka ganacsiga shidaalka.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu la qaatay dhigiisa Uganda , Yoweri Kaguta Museveni.
Waxay isaga iyo Museveni sidoo kale ka wada hadleen arrimo badan oo taabanaya dalalkooda si gaar ah tamarta iyo batroolka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa qoraal ku sheegay in ay ku heshiiyeen in soo iibsashada shidaalka ee gobolka ay noqoto mid ku saleysan tartan dhanka qiimaha ah iyo adeegsiga tasiilaadka wax ku oolka ah.
Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo naqshadeynta iyo dhisidda dhuumaha shidaalka ee isku xiraya magaalooyinka Eldoret-Kampala iyo Kigali ee dalalka Kenya, Uganda iyo Rwanda.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya iyo Uganda ay sii xoojinayaan iskaashigooda soo jireenka ah.
Shirka ayaa sidoo kale lagu eegay xoojinta isdhexgalka ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.