DHAGEYSO:In ka badan 9 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Kitui-Machakos

0
267

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shil xalay fiidkii ka dhacay meel u dhow suuqa Katani ee waddada u dhexeysa ismaamullada Kitui iyo Machakos .
Waxay shilkaasi dhaawacyo culus ka soo gaareen in ka badan 30 ruux oo kale.
Tani ayaa timid ka dib markii darawalkii baska kaxeynayay uu baabuurka xakameyn waayay taasi oo keentay inuu gaariga gadoomo.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in dadka shilka ku dhintay ay isugu jiraan 8 qof oo waawayn iyo canug 9 sano jir ah.
Wasiirka caafimaadka ee ismaamulka Machakos ,Daniel Yumbya ayaa sheegay in 8 qof ay ku dhinteen isla goobta uu shilka ka dhacay halka midka kalena uu geeriyooday isagoo lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Machakos.
Waxaa uu ehellada shakhsiyaadka dhaawacmay ee tagaya isbitaalka ka codsaday in ay dhakhaatiirta fursad u siiyaan bixinta daryeelka ay dadkan u baahan yihiin.

Macluumaadka waaxda taraafikada ee dalka ayaa muujinaya in sanad kasta ay gudaha Kenya shilal ugu geeriyoodaan ugu yaraan 3,500 oo qof.