Madaxa shirkadda maalgashiga ee Ekeza Sacco oo damaanad lagu siidaayay

0
195

Waxaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi la soo taagay madaxa sidoo kalena ah aasaasaha shirkadda maalgashiga ee Ekeza Sacco , David Kariuki Ngari, oo loo yaqaano Gakuyo.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu sameeyay shirqool xubnaha shirkaddan looga dhacay hal bilyan , 52 milyan 746,094 oo shilin.
Eedeymaha loo jeediyay ayaa gaaraya ilaa 12.
Balse xilli uu ka soo hormuuqday garsoore sare ,Ben Mark Ekhubi ayuu iska fogeeyay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay.
Waxay maxkamadda ku siidaysay damaanad ah 20 milyan ama damaanad lacageed oo dhan 10 milyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa lagu xiray inuu maxkamadda la wadaago labo ruux oo isaga lagala xiriiri karo oo ay qasab tahay in mid ka mid ah shakhsiyaadkan uu yahay sarkaal dowladeed.
Sidoo kale garsooraha ayaa ku amray inuu baasaboorkiisa ku wareejiyo maxkamadda isagoo laga hor istaagay inuu wax faragelin ah ku sameeyo baaritaannada ka dhanka ah ee socda.
Waaxda dacwad oogidda ayaa sheegtay in David Kariuki Ngari, uu dembiyada loo haysto galay sanadihii 2015-kii iyo 2018-kii.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwadiisa mar kale dhageysato 7-da bisha Saddexaad ee sanadkan.