Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay afduub iyo dil loo gaystay wiil dhallinyaro ahaa

0
196

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo la xariirta wiil dhallinyaro ah oo inta la afduubtay la dilay.
Waxaa uu sheegay in la garanayo raggii ka dambeeyay afduubka iyo dilka loo gaystay wiilka dhallinyarada ah ee lagu magacaabi jiray Abuukar Axmad Kaabax oo ka mid ka ahaa dhallinta caanka ka ah degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Wiilka dhallinyarada ayaa habeen hore rag hubeysan ay ku afduubteen gaarigiisa xilli uu ku sugnaa degmada Heliwaa, islamarkaana shalay laga helay maydkiisa deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.
Falkan afduubka iyo dilka ah ee loo gaystay wiilka dhallinyarada ah ayaa ka mid noqonaya dhacdooyinka naxdinta leh ee muddooyinkii dambe ku soo badanayay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaana dhacdadani ay cabsi badan ku beertay shacabka reer Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here