Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisa uu meesha ka saaraya amaah dhanka waxbarashada ah oo dhan 1.2 bilyan oo doolar.
Waxaa deymahan loogu tala galay arday gaaraya 153,000
Bayaan uu soo saaray ayuu ku xusay in kastoo waxbarashada ay muhiim u tahay wanaajinta nolosha , haddana in qarashaad badan uu ku baxo.