Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Kisii ,Machuki Nyanumba ayaa amray in guddi golaha ka tirsan uu dadweynaha dowlad deegaankaasi fursad u siiyo in ay aragtidooda ka dhiibtaan mooshinka xilka looga qaadaya ku xigeenka barasaabka ismaamulkaasi Robert Monda.
Nyanumba ayaa amarkan soo saaray iyadoo goluhu ay ka dhex jirto kala qaybsanaan qorshahan ku aaddan.
Ka dib markii ay shalay dood kulul dhex martay wakiillada taageersan Monda iyo kuwa ka soo horjeeda ayuu hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee ismaamulka Kisii Henry Moracha soo jeediyay in arrinkan dadweynaha loo bandhigo.
Waxaa mooshinka xil ka qaadista barasaab ku xigeenka Kisii Robert Monda golaha hor geeyay wakiilka deegaanka hoose ee Ichuni ,Wyclife Siocha.
Waxaa uu ku eedeynaya habdhaqan xumo wayn , inuu awoodiisa xafiiseed si qaldan u adeegsaday iyo inuu baal maray dastuurka.