Qoys soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ayaa dalbanaya cadaalad ka dib markii arday 11 sano jir ah uu ku dhintay barkad lagu dabaasho ee ku taalla dugsiga hoose dhexe Visa Oshwal ee ku yaalla xaafadda Parklands ee Nairobi.
Canuga oo lagu magacaabo Ilyaas Cabdikariim Cali Maxamuud ayaa la sheegay in la waayay maalinkii Talaadada ee toddobaadkan ka dib markii uu dugsiga yimid.
Qoyskiisa ayaa ku andacooday in dugsiga uu dayacay ilaalinta badqabka ubadkooda.
Ciidmaada booliiska ayaa meydka Ilyaas geeyay goobta meydadka la dhigo ee Chiromo Funeral home si baaritaan loogu sameeyo.