Hanti dhowraha guud ee dalka Nancy Gathungu ayaa sheegtay in jaamacadaha gaarka ah lagu wareejiyay lacag dhan 883 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ay su’aallaha gelisay qaabka loo maareeyay ayaa la bixiyay muddo toddobo sano ah.
Tani ayaa lagu ogaaday dabagal hantiyadeed oo la sameeyay intii u dhexeysay sanad maaliyadeedkii 2016 ilaa 2023-kii.
Jaamacadaha ayaa lagu boorriyay in ay dowladda dib ugu soo celiyaan 219 milyan oo dhaqaalahan ka mid ah.
Nancy Gathungu ayaa tusaale u soo qaadatay in 201 milyan oo shilin la siiyay 4,521 arday ah oo wax ka baranayay jaamacadaha gaarka ah oo aan ahayn kuwo saxda ah ee ay dowladdu maalgeliso waxbarashadooda.
Wasiirka tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa laga doonaya in ay arrintan ka bixiyaan faahfaahin dhameystiran.
Home Wararka Kenya Hanti dhowraha guud oo su’aal gelisay 883 milyan oo ay isticmaaleen jaamacadahga...




