Booliiska Dadaab oo baaritaano ku billaabay sokor kontarabaan ah oo lagu qabtay Moodikaarrey

0
441

Ciidamada booliiska ee deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa baaritaano billaabay.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada militariga ee xerada Moodikaarrey ay qabteen sokor la aaminsan yahay in dalka la keenay iyadoo aan la ansixin.
Sokorta la qabtay ayaa ah 1.25 taan oo lagu keydiyay kiishashka 25-ka kiilogaraam ah.
Saraakiisha militariga ayaa badeecadan qabtay xilli abaare 8:40 fiidnimo ee xalay lagu waday baabuur yar.
Warbixinta booliiska ayaa tilmaamaysa in dadkii sokorta kontarabaanka ah siday ay baxsadeen.