Haweeney 78 sano jir ah oo lagu dilay Migori

0
193

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Migori ayaa billaabay baaritaano ku aaddan dilka haweeney 78 sano jir ahayd.
Waxaa falkan lala xiriirinaya qof dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Tanzania.
Dilka ayaa haweeneydan loogu gaystay gurigeeda oo ku yaalla tuulada Akoko ee Migori.
Ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka aagaasi, John Kerry Otieno ayaa warbaahinta u sheegay in maydka Gaudensia Akumu Madanje uu arkay wiil ay ayeey u ahayd oo dib uga soo laabtay dugsiga xilligii qadada.
Otieno ayaa hoosta ka xarriiqay in wiilkaasi uu u sheegay in ayeeydiisa ay ugu war danbeysay subixii oo ay xaaladeeda caafimaad wanaagsanayd.
Waxaa uu xusay in maydka haweeneyda la dilay lagu arkay dhaawacyo badan .
Mr. Otieno ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha dhacdadan uu baxsaday oo weli la raadinaya.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in Gaudensia Akumu Madanje la dilo.