Senatarka Kakamega oo dacwad ka gudbiyay ganacsade

0
211

Senatarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale ayaa maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah ganacsade lagu magacaabo Cleophas Shimanyula, oo loo yaqaano Toto.
Waxaa uu doonaya in ganacsadaha laga qaado boqolaal milyan oo shilin maadaama uu senatarka ku doodaya in shakhsigan uu la xiriiriyay geerida qof u shaqeynayay taasoo dhaawacday sumcadiisa.
Khalwale ayaa dalbanaya in Shimanyula uu qirto inuu qalad sameeyay oo uu siiyo lacag magdhow ah.
Hasa ahaate Shimanyula ayaa diiday inuu raalli geliyo senatarka ismaamulka Kakamega sidii laga dalbaday 8-dii bishan.
Taasi ayaa keentay in Boni Khalwale oo ay matalayaan qareennada kala ah Danstan Omari, Omaiyo Aranga iyo Shadrack Wambui ay maxkamadda u gudbiyaan dacwad cabasho ah.
Qareennada ayaa maxkamadda waydiistay in ay Shimanyula ka hor istaagto inuu baraha bulshada ku soo daabaco qoraallo ku saabsan geeridii Kizito Moi Amukune.