Qatar oo beenisay in ay dhaqaale ku taageerto Xamaas

0
169

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar Majed Al-Ansari, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku eedeyay inuu doonaya inuu sii daba dheeraado duullaanka militari ee Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii Netanyahu uu sheegay in Qatar looga baahan yahay inay qaaddo tallaabooyin aan ku koobnayn in la soo siidaayo maxaabiista ku jiro gacanta Xamaas.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in ururka Xamaas ee Falastiin uu dhaqaale ahaan ku tiirsan yahay Qatar.
Hasa ahaate wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa gaashaanka u daruurtay eedeynta uga timid Netanyahu.