Booliiska Nairobi oo baaraya tahriibinta carruurta

0
192

Saraakiisha dambi baarista ee ismaamulka Nairobi ayaa wado baaritaano ku aaddan waxaa lagu tilmaamay tahriibinta carruurta.
Tani ayaa timid ka dib markii 16 carruur ah laga soo badbaadiyay guri la ijaaray oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.
Carruurtan ayaa shalay oo Axad ahayd laga soo helay aagga Soweto .
Howlgalka ayaa la guda galay ka dib markii uu warbixin gudbiyay sarkaal qaabilsan badbaadinta carruurta oo ka howlgalo deegaan baarlamaneedka Bartamaha Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Daniel Odongo ayaa ciidamada saldhigga booliiska ee Soweto ku wargeliyay in carruurta lagu hayo guri halkaasi laga kireeyay.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in ka dib markii ay halkaasi tageen ay arkeen carruurta oo ku kala jiro labo guri balse haweeney gacanta ku haysay ubadkan oo kenyaan ah iyo 54 sano jir u dhashay dalka Tanzania aynan caddeyn qaabka carruurtan halkaasi lagu geeyay.
Labada eedeysanayaal ee dhacdadan loo xiray ayaa lagu kala magacaabaa Linet Akinyi iyo Isaack Mwanjeka.
Booliiska dalka ayaa qabo tuhun ah in carruurtan la doonayay in loo tahriibiyo meel aan la garanayn.
Carruurta la soo badbaadiyay oo ay da’doodu u dhexeyso 2 sano ilaa 16 sano ayaa si ku meel gaar ah loogu wareejiyay xarun ubadka lagu xannaaneeyo oo ku taalla xaafadda Nyando.
Laamaha ammaanka ayaa hadda sheegaya in ay socdaan baaritaannada arrinkan ku aaddan si tallaabooyin dheeraad ah looga qaado cid kasta oo falkan ku lug leh sidoo kalena loo xaqiijiyo badqabka ubadka.
Labada tuhmane ee la xiray ayaa ku jiro saldhigga booliiska.