Kufsi wadareed Garoowe loogu gaystay gabadh 13 jir ah oo ka soo jeeda qoysaska barakacayaasha

0
308

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegaya in rag ku labisan dareeska ciidanka amniga ay kufsi wadareed u gaysteen gabadh yar oo 13 sano jir ah oo ka mid ahayd dadka barakacayaasha ah.
Sida aan ka soo xiganay warbaahinta gudaha Puntland iyo dad goobjoogayaal ah, falkaan ayaa salaaddii subax ka hor ka dhacay xero barakac ah oo lagu magacaabo Jiingadaha.
Kooxda falkan ka dambeysay ayaa gabadha kala soo baxeen aqalkii ay ku jirtay.
Qoyskeeda iyo dadka deggan xaafadda Jiingadaha oo isku dayay inay ka celiyaan gabadha, ayaa lagu handaday gori caaradiis, waxaaana lagu kufsaday iyaga hortooda.
Dadka xaafadda ayaa warbaahinta sheegay in gabadha hooyadeed sanad ka hor ay ku geeriyootay rasaas ay ka dambeeyeen kooxo cabtoy ah.
Laamaha amnig weli kama hadlin falkan.
Magaalada Garoowe ayaa muddooyinii ugu dambeeyay amnigeeda hoos u dhacay, taasoo sababta falalka amni darrada ah oo ku soo badanaya, kuwaas oo loo aanaynayo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugu soo badanaya magaalada Garoowe.