Madaxweynaha Soomaaliya oo xilli habeen ah tacsi u tegay safaaradda Imaaraatka

0
201

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.
Booqashada ayaa timid maalmo ka dib markii weerar uu fuliyay askari Shabaab lala xiriirinayo lagu dilay tiro saraakiil sare oo Imaaraat ah, kuwaas oo Soomaaliya u joogay tababarka ciidamada Soomaalida.
Meydka saraakiisha ayaa loo qaaday dalkooda, iyada oo uu madaxweynaha Soomaaliya tacsi diray isla habeenkii uu dhacay weerarka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo uu fuliyay mid ka mid ah dadkii la tababarayay.