Ra’iisul Wasaarihii hore ee Thailand oo xabsiga laga siidayn doono

0
141

Wasaaradda arrimaha cadaaladda ee dalka Thailand ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee wadankaasi, Thaksin Shinawatra uu hadda u qalmo in cafis loo fidiyo oo xabsiga laga siidaayo.
Tani ayaa timid ka dib markii uu xirnaa muddo 6 bilood ah.
Ra’iisul Wasaaraha Thailand ,Srettha Thavisin ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in mas’uulkan hore uu xurriyadiisa dib u helo 17-ka bishan Labaad.
Thaksin oo 74 sano jir ah ayaa horay lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeyay inuu awoodiisa ku tagriifalay.
Hasa ahaate boqortooyada Thailand ayaa mudadaasi ka qafiifisay oo ku soo reebtay hal sano oo xabsi ah oo uu hadda 6 bilood ka qaatay.
Ra’iisul Wasaaraha Thailand ayaa sheegay in la maray habraac kasta oo dastuuri ah wixii horena laga soo gudbay.
Thaksin ayaa Thailand dib ugu soo laabtay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ka dib 14 sano oo uu dibadda dalkaasi ku maqnaa waxaana isla markiiba la geeyay maxkamad isagoo xabsi lagu xukumay.
Wasiirka wasaaradda cadaaladda ee Thailand ,Tawee Sodsong ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore uu ka mid yahay 930 maxaabiis ah oo maanta cafis loo fidiyay.