Waxaa xalay shil baabuur ku geeriyooday Kelvin Kiptum oo ah orodyahan Kenyaan islamarkaana haystay rikoorka Marathon-ka ee orodka adduunka.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in Kiptum iyo tababarihiisa u dhashay dalka Rwanda ee Garvais Hakizimana ay ku dhinteen isla goobta ka dib shil ka dhacay waddada u dhexeysa Eldoret iyo Kaptagat.
Geerida orodyahankan ayaa ku soo aadeysa hal toddobaad un ka dib markii xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ay ansixiyeen rikoorkiisa maarathoonka ee adduunka.
Booliiska ayaa sheegay in orodyahankaasi uu watay gaarigiisa oo ku sii jeeday magaalada Eldoret markii uu shilka dhacayay.
Qof saddexaad ee gaariga la saarnaa ayaa loola cararay isbitaalka isagoo dhaawac culus qaba.
Orodyahanka geeriyooday ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee waligii ku orda ciyaaraha orodka 2 saacadood iyo daqiiqad isagoo ku guulaystay tartankii orodka ee ka dhacay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka bishii 10-aad ee sanadkii hore.