Dadweynaha ku nool deegaanka Waqooyiga Baringo ee gobolka Rift Valley ayaa wacad ku maray in laga billaabo berri ay dhigi doonaan dibadbax.
Waxay saraakiisha ammaanka ku eedeynayeen inay ku guul dareysteen la tacaalidda falalka amni darro.
Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa halkaasi lagu dilay ilaa shan qof iyadoo dhowr kalena ay dhaawacmeen.