Labo wiil iyo hooyadood oo tooreey ku dilay aabihii qoyska

0
385

Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xalay halkaasi ay ka dhacday dhacdo si weyn looga argagaxay oo maanta laga hadal haayo xaafadaha degmadaasi.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa timid ka dib markii hooyo iyo labo wiil oo ay dhashay oo dhallinyaro ah ay tooreey ku dileen aabihii qoyska.
Dilka tooreyda loo adeegsaday oo ay gaysteen labada wiil oo adeerka loo ahaa iyo hooyadiis ayaa yimid ka dib markii khilaaf gacan ka hadal ahaa uu dhexmaray marxuumka la dilay iyo xaaskiisa.
“Hooyo iyo aabe ayaa markii hore isku buuqay oo aabe ayaa feer isha uga dhuftay hooyo, ka dibna hooyo qolka ayay gashay waxay wacatay wiilkeeda weyn oo banaanka ku maqna markii yimid hooyo iyo isaga aabe ayay tooreey ku billaabeen aabana banaanka ayuu u cararay oo inuu dhintay uma maleyn lakiin dhiigbax ayuu bannanka ugu dhintay” ayuu yiri wiil yar oo ay wada dhaleen hooyada dilka gaysatay iyo aabaha la dilay.
Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax ku iibisa hareeraha Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, waxaana dilkiisa uu qayb ka noqonaya dilalka argagaxa leh ee bishan gudaheeda ka dhacay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.
Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dilkan naxdinta leh ee xalay loo gaystay aabaha.