Baarlamaanka dalka Senegal ayaa u codeeyay qorsho dib loogu sii dhigaya qabsoomidda doorashada guud ee wadankaasi.
Sabtidii ayay ahayd markii uu madaxweynaha Senegal , Macky Sall shaaciyay in codeynta guud aynan dhici doonin 25-ka bishan Labaad sidii uu horay qorshuhu ahaa.
Xildhibaannada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay in doorashada madaxtinnimo ee Senegal ay qabsoonto 15-ka bisha 12-aad ee sanadkan.
Codeynta ayaa abuurtay dood culus waxaana xarunta baarlamaanka laga saaray xubnaha mucaaradka oo ka soo horjeeday in xilliga doorashada dib loo sii dhigo.
Hasa ahaate waxaa qorshahan codkooda ku taageeray 105 ka mid ah 165- ka xubnood ee baarlamaanka Senegal.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in Macky Sall oo Senegal soo hoggaamiyay labo xilli uu xafiiska banneeyo ugu dambeyn 2-da bisha Afaraad ee sanadkan.