Boqorka Ingiriiska oo loo billaabay daaweyn ka dhan ah kansarka

0
184

Waxaa daryeel ka dhan ah cudurka kansarka uu u billowday boqorka Ingiriiska King Charles III.
Shalay ayay ahayd markii ay UK shaacisay in boqorka oo 75 sano jir ah laga helay xanuunka kansarka.
Waxaa lagula taliyay inuu dib u dhigo ka soo muuqashada fagaaraha dadweynaha.
Hasa ahaate waxaa uu gudan doonaa waajibaadkiisa isagoo si toddobaadla ah ula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak .