Nin doonayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa oo lagu qabtay degmada Afgooye

0
323

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada ammaanka degmadaasi ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay inuu doonayay inuu gubo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamad Ibraahin Barre ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ninkan isagoo qorsheynayay inuu gubo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, islamarkaana watay Basiin iyo Taraq.
“Saaka nin ayaa degmada Afgooye wuxuu isku dayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, gurigoodii isaga oo hortaagan oo dhibaatadaasi inuu gaysta rabo ayaa hay’adihii amniga lala soo wadaagay sidaas ayaa lagu soo qabtay isagoo wata Basiin iyo Taraqii uu doonayay inuu ku gubo qoyskiisa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiye Barre ayaa sidoo kale sheegay in falkan ka hortagiisa ay ka shaqeeyeen dadka shacabka ah oo si degdeg ah ula soo xiriiray ciidamada ammaanka degmada Afgooye, isagoona ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo waxyaabaha isku soo beegay falkan iyo falalkii ka horreeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Qoryooleey ee labo nin midna Xaaskiisii ku gubay midna uu Tooreey ku dilay.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii nin lagu Magacaabo Sayid Cali Macalin Daa’uud uu Muqdisho ku gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabo jiray Luul Cabdicasiis oo xaamilo ahayd, islamarkaana baxsaday oo ay baadi goobayaan ciidamada ammaanka.
Sidoo kale isla todobaadkaasi waxaa Qoryooleey lagu dilay Tooreey Fowsiya Muxsin oo uu ka takhalusay ninkeedii oo lagu magacaabo Saleemaan Xaaji Cabdi kaas oo haatan ku jira gacanta dowladda, waxaana dhacdooyinkaas si weyn uga xumaaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.