Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dad Oromo ah oo xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo

Dad Oromo ah oo xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo

Inta la xqiijiyay 6 qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya iyo qof Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Dhakhtar ka tirsan isbitaalka degmada Beledxaawo oo diiday in magaciisa la xigto ayaa laanta afka soomaaliga ee BBC-da u sheegay in 6 qof oo Oromo ah meydkooda la keenay isbitaalka, halka 6 kalena iyagoo dhaawac ah la dhigay xaruntaasi caafimaad.
Dad ku sugan Beledxaawo ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan ay xalay galeen guri ay daganaayeen dadka Oromada ah halkaasna ay ku dileen 6 qof oo Oromo ah oo 3 ka mid ah ay ahaayeen rag halka 3 kale ay yihiin dumar.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in qof dumar oo Soomaali ah iyana halkaas lagu dilay.
Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog oo ay BBC-da wax ka waydiisay dilka ka dhacay degmadiisa ayuu sheegay in warkaasi jiro, laakiin uusan hadda sheegi karin tiradu inta ay la egtahay.
Waxaa uu intaasi raaciyay in ay ku jiraan howgal lagu baadigoobayo ciddii ka dambeysay falkan.
Faahfaahin dheerad ah lagama hayo cidda ka dambeysay dilka, mana jirto cid sheegatay ilaa hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments