Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadahii la soo dhaafay halkaasi ay dad badan ugu dhinteen Cudurka Shuban Biyoodka.
Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaanka Xawaadley iyo deegaanada hoostaga ayaa la soo warinaya inay u geeriyoodeen ilaa 18 ruux oo u badan carruur, waxaana la ildaran ku dhawaad 50 ruux oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cudurka uu ku sii faafayo xaafadaha deegaanka Xawaadley, islamarkaana uusan deegaanku lahayn xarumo Caafimaad oo lagu daweeyo dadka uu haleelo Shubanka.
Cudurka Shuban biyoodka ayaa bishii la soo dhaafay sidaan oo kale uga dilaacay magaalooyinka Baledweyne iyo Buula burte, kaas oo galaaftay nolosha ku dhawaad 30 ruux oo isugu jiray carruur iyo dad waaweyn, ka dib markii laga soo laabtay barakacii fatahaaddii ku dhufatay magaalooyinkaasi.
Deegaanada uu maro wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa xilliyada fatahaadaha ka dib inta badan ka dilaaca Cudurro ay ka mid yihiin Shuban biyoodka iyo Duumaada, kuwaas oo ka dhashay biyaha fatahaada.
Home Wararka Soomaaliya Ku dhawaad 20 ruux oo ku geeriyootay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha...