DHAGEYSO:Raila oo dhaliilay racfaanka uu guddoomiyaha baarlamaanka dalka ka qaadanaya go’aankii lagu laalay canshuurta guriyeynta

0
267

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dhaliilay raacfaanka uu guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ku doonaya inuu ka qaato go’aankii ay bishii hore maxkamadda racfaanka ku laashay canshuurta guriyeynta.
Moses Wetangula ayaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court dhawaan ku wargeliyay racfaan uu golaha qaran ee xeer dejinta doonaya inuu ka qaato go’aankii maxkamadda racfaanka.
Raila ayaa ku dooday in guddoomiyaha baarlamaanka wadanka uusan awood dastuuri ah u lahayn in go’aankaasi uu racfaan ka qaato, maadaama uu golaha qaran ee xeer dejinta uu horraan ansixiyay canshuurta guriyeynta.
Hasa ahaate ay maxkamadda sare sharci darro ku tilmaantay qorshahaasi.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in afhayeenka baarlamaanka Moses Wetangula uunan u qalmin xilka uu hayo.