Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kalonzo oo sheegay in aan laga hor istaagi karin hoggaanka wadanka

Kalonzo oo sheegay in aan laga hor istaagi karin hoggaanka wadanka

Madaxa xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in aynan jirin cid ka hor istaagi karto inuu qabto hoggaanka ugu sarreeya ee Kenya sanadka 2022-ka.
Waxaa uu xusay inuusan waxbo iska beddeli doonin go’aanka uu qaatay ee ah in sanadka soo socdo uu ka mid noqdo musharaxiinta xilka madaxweynenimo ee Kenya.
Kalonzo Musyoka oo arrinkan ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Makueni ayaa dhanka kale sheegay inay kastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed oo uu wajahayo balse uu ku rajo weyn yahay inuu guulaysan doono.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay inay ku dadalaan midnimada iyo wadajirka.
Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in madaxda diimaha si weyn looga qayb geliyo hannaanka sharci beddelka ee BBI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments