Shaqaaleysiinta NYS oo maanta ka billaabanaysa guud ahaan wadanka

0
258

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo maanta guud ahaan wadanka laga howlgeliyo saraakiisha ku biiraya adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Waaxda NYS ayaa ugu baaqday dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo agoonta inay ka qayb qaataan qorista saraakiisha cusub ee ku biireysa NYS.
Dadka naafada ah ayaa sidoo kale lagu boorriyay inay fursaddan ka faa’iideystaan, islamarkaana ay isku diyaariyaan inay tijaabo maraan.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa mas’uuliyiinta howshan loo xil saaray ugu baaqay inay ilaaliyaan hal-beegga ugu sarreysa ee hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii da’yarta si siman loo shaqaaleysiiyo in geeddisocodkan uu guulaysanaya.
Moses Kuria ayaa ku taliyay in arrintan si dhow loola socdo oo tabashooyinka jira si degdeg ah loo soo gudbiyo .
Shakhsiyaadka doonaya inay ku biiraan adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS ayaa laga howlgelin doonaa dhammaan deegaannada hoose ee ismaamullada wadanka iyadoo uu qorshuhu yahay in sanadkan la shaqaaleysiiyo 15,000 oo dhallintaro ah.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa xaqiijiyay in aynan jiri doonin takoor iyo qof jecleysi oo qof waliba oo arrintan daneynaya uu heli doono fursad siman.