Senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu shaqada ka istaajiyo ka dibna la xiro wasiirka wasaaradda tamarta Davis Chirchir iyo agaasimaha guud ee maamulka maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee (EPRA) Daniel Kiptoo.
Tani ayaa timid ka dib markii habeenimadii ay Jimcada soo galeysay qarax ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado oo laga soo tabiyay aagga Mradi ee xaafadda Utawala ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi ay ku dhinteen 6 qof halka ilaa 280 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sifuna oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa su’aal geliyay sababta ay ku dhacday in ilaa iyo hadda aan qofna shaqada looga joojin in xarun shidaal si sharci darro ah looga hirgeliyay aag ay dadweyne deggan yihiin ugu dambeyna uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Cod
Arrintan ayuu maanta ka sheegay munaasabad ay ODM ku diiwaangelinaysa xubno cusub taasi oo lagu qabtay deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.




