Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC Wafula Chebukati uu xaq u leeyahay inuu qabto xilka madaxa waaxda cadaaladda ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxa mucaaradka Raila Odinga uu sheegay inuu jiro qorsho dowladeed oo la doonaya in Chebukati uu beddelo Martha Koome ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da.




