DHAGEYSO:Macallin Mahdi oo wacad ku maray in ninka ku eedeysan dilka xaaskiisa iyo kuwii sharciga kala baxsaday gacanta lagu soo dhigi doono

0
181

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi Maxamad oo ka hadlayay kiiska ninka baxsadka ah ee ku eedeysan inuu xaaskiiska oo uur leh dab ku qabtay, deetana ay u geeriyootay ayaa sheegay in laamaha ammaanku ku daba jiraan isaga iyo cid kasta oo ka caawisay in uu sharciga ka baxsado.

Booliiska Soomaaliya ayaa baadigoob ugu jira eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26-kii bishii hore gubay xaaskiisii oo uur lahayd marxuumad Luul Sheekh Cabdi.
Waxaa uu booliiska sheegay inuu socdo howgal lagu doonayo in ninkaas lagu soo qabto, waxayna bulshada ka codsadeen in ciddii xog ka haysa halka uu joogo ay la wadaagaan barta ciidanka ammaanka ee ugu dhow ama nambarka gaaban ee booliiska ee 991.
Ehellada Gabadha u geeriyootay gubitaanka ninkeedu u gaystay ayaa dowladda ka codsaday in si dhakhse ah sharciga loo hor keeno ninka ku eedeysan dilka gabadhooda, oo Jimcihii u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray 26-kii bishii hore.