Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in wasaaradda tamarta ay shaqada ka joojiso ka dibna dacwad lagu soo oogo saraakiishii oggolaanshaha ganacsi siisay shirkadda shidaalka ee deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi ee uu dhawaan qaraxa ka dhacay.
Qaraxaasi oo ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado ayaa waxaa uu sababay dab si aad ah u fiday oo burburiyay meherado ganacsi iyo goobo la deggan yahay .
Dhacdadan ayaa aagga Mradi ee xaafadda Utawala ee deegaanka Bariga Embakasi laga soo tabiyay abaare 11:30 habeenimo ee Khamiistii.
Dhibaatada ayaa timid ka dib markii ay qarxeen haamaha gaaska oo lagu waday baabuur xamuul.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaad u shaqeeya dowladda ay dayaceen mas’uuliyadooda oo ay laaluush qaateen ka dibna ay shirkadda siiyeen shati iyadoo ay taasi qalad tahay maadaama aan la oggolayn in kaalin shidaal laga dhex sameeyo meel ay dadku deggan yihiin.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka hadlay xilli uu deegaanka Lugari ee ismaamulka Kakamega ee Galbeedka dalka ka dhagax dhigayay dhismaha suuqa Chekalini.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay la shaqeynta dhamaan madaxda la soo doortay si fulinta mashaariicda horumarineed loo gaarsiiyo kenyaanka oo dhan.
Waxaa uu sheegay in ismaamulka Kakamega laga hirgelinaya ilaa 13 oo suuqyo ah.




