Luul Cabdicasiis oo mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu qabadsiiyay seygeeda oo ay dhawaan nolasha ku midoobeen.
Luul ayaa saaka ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xaaladdeeda caafimaad lagula tacaalayay.
Seygeeda oo falkaan lagu eedeynayo ayaa la sheegay inuu baasiin ku gubay xilli ay ku sugnayd gurigeeda.
Lama oga sababta ka dambeysa falkan, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inay la xiriirto arrimo masayr ah.
Hay’adaha amniga weli wax war ah kama soo saarin dhacdadaan oo aad looga hadal hayo magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la sheegayo inuu baxsaday seygeeda.
Marxuumadda waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay.
Waxay sidoo kale ahayd hooyo kaligeed ku ahayd korinta 6 carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.
Ninkan falkaan kula kacay ayay dhawaan is guursadeen, waxayna u lahayd uurkiisii ugu horreeyay.
Home Wararka Soomaaliya Nin xaaskiisa oo xaamilo ahayd dab qabadsiiyay, maantana ku geeriyootay Muqdisho