Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimillada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto ay ku mamnuuceyso Bacaha halka mar la isticmaalo.
Wareegtada ka soo baxday Wasaaraddan ayaa lagu sheegay in isticmaalka Bacaha halka mar ay halis ku yihiin deegaanka. Wasaaradda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dejinta iyo ka ganacsiga Bacaha fudud.
Qoraal ayaa sidoo kale lagu sheegay in laga billaabo 30-ka bisha Lixaad ee sanadkan aanan laga soo dejin karin dalka, lagana ganacsan karin isticmaalka bacaha fudud.
Wareegtadan ka soo baxday Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimillada ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Bacaha halka mar la isticmaalo si weyn looga isticmaalo guud ahaan deegaannada dalka Miyi iyo Magaalaba.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda federaalka oo Soomaaliya ka mamnuuceysa bacaha halka mar la isticmaalo