Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 website oo ay sheegtay inay ka xirtay kooxda Al-Shabaab.
Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ah kuwii ugu waaweyna oo ay kooxda Al-Shabaab ku faafin jirtay wararkeeda oo laga daalacan karay kaliya dhanka dibadda, maadama gudaha dalka mar hore laga xiray.
War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in si rasmi ah hawada looga saaray 14 Website oo laga heli jiray macluumaadka kooxda, islamarkaana laga dhageysan jiray qaarkood Idaacadda ku hadasha afka kooxdaasi.
Hoos ka akhriso qoraalka hay’adda NISA:-