Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo bulshada gobolkaasi la kulmay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo bulshada gobolkaasi la kulmay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo xalay ku hoyday degmada Xudur ayaa la kulmay Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.
Mas’uuliyiinta uu la kulmay ayaa waxaa kamid ah, Maamulada degmooyinka, Xudur, Rabdhuuro iyo Tiyeegloow, isaga oo kala hadlay dhibaatooyinka kajira Gobolka Bakool iyo culeyska ay ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo sharaxaad ka bixiyay kulanka ayaa sheegay inay Madaxweynaha u gudbiyeen dhibaatooyinka kajira Gobolka Bakool gaar ahaan xaaladda adag oo ay ku sugan yihiin Shacabka degmada Xudur oo u go’doonsan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Maxaxweynaha uu u balan qaaday in si dhaqso leh wax looga qabto gaar ahaan in si deg deg ah Go’doonka looga qaado degmada Xudur oo bilihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab saareen culeys xoogan, taas oo keentay in xaaladdo bani’aadanimo oo daran inay gasho degmada Xudur.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in uu la kulmo Saraakiisha Ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada si ay uga tashadaan sida ugu fudud ee looga qaadi karo culeyska heysta Shacabka degmada Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments