DHAGEYSO:Tirada dadkii ku dhintay shilkii Kisumu iyo Nairobi oo korortay

0
227

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku nafwaayay shilkii ka dhacay inta u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Nairobi iyadoo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen 17 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii 6 qof oo dheeraad ah oo dhaawacyo ka soo gaaray shilka looga daaweynayay isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital ee Kisumu ay geeriyoodeen.
Taliyaha waaxda taraafikada ee gobolka Nyanza Allan Mwangi ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay aagga Othoo oo ilaa 8 kiilomitir u jiray degmada Awasi.
Mwangi ayaa sheegay in shilka uu u dhexeeyay bas ku soo wajahnaa Nairobi iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka oo u jeeday Kisumu.
Sidoo kale waxaa halkaasi ku burburay gaari saddexaad oo baabuur yar ah.
Taliye Mwangi ayaa sheegay in 53 ruux oo dheeraad ah ay shilka ku dhaawacmeen oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaallo kala duwan.
Goobjoogayaal iyo qaar ka mid ah rakaabka dhaawacmay ayaa warbaahinta u sheegay in darawalka baska uu baabuurka si xowli ah u kaxeynayay ka hor inta uunan shilku dhicin.